Home Wararka Maanta Baaritaan in lagu sameeyo Shaqaalaha ka shaqeeya goobaha dadka waayeelka oo loogu...

Baaritaan in lagu sameeyo Shaqaalaha ka shaqeeya goobaha dadka waayeelka oo loogu baaqay Dowlada Sweden

0

Midowga Ururada Degmooyinka iyo Degmooyinka Gobolada Sweden ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano SKR ayaa dowlada ugu baaqay in baaritaan kagu sameeyo shaqaalaha ka shaqeeya goobaha Dadka waayeelka lagu hayo.

Hindisaha loo jeediyay Dowlada ayaa yimid kadib markii labada dhinac ay qabteen Shir jaraa’id oo ku saabsan Xaalada Coronavirus iyagoo arintan ku tilmaamay mid ay kaga hortagayaan shaqo la’anta waqtiga kooban iyo in dadka waayeelka helaan Xanaano feecan.

Arimaha kale ee soo jeediyeen waxaa kamid ah in la shaqaaleysiiyo Shaqaalaha laga soo eryay ama buriyay Shaqooyinka kale si xiliga xagaaga loo helo fursado shaqo.

In toobar heerka kalkaalisooyinka hoose ee ( undersköterska ) la bixiyo si loo helo shaqaale buuxa iyadoo lacagta dhaqaalaha ay dowlada ku kabto Degmooyinka ugu danbeyn in dadka heesta waqtiga kooban la siiyo waqti buuxa.

Sida ay soo bandhigeen Degmooyinka Mashruucan ayaa la filayaa in uu ku kaco 2 bilyan oo lacag ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here