Home Wararka Maanta Ulf Kristersson ”Xisbiga Moderate-ka diyaar ayuu u yahay in la rido Stefan...

Ulf Kristersson ”Xisbiga Moderate-ka diyaar ayuu u yahay in la rido Stefan Löfven iyo Dowladiisa”

0

Xisbiga Kristdemokraterna wuxuu taageersan yahay dalabka xisbiga Bidixda ee mooshinka cambaareynta ah ee ka dhanka ah raiisul wasaare Stefan Löfven (S)

Ulf Kristersson ayaa isna bixinaya ogeysiis, xisbigiisa Moderaterna oo ku aadan in ay u codeynayaan inay meesha ka saaraan dowladda haddii ay jirto cod bixin.

Hogaamiyaha xisbiga Christian Democrats Ebba Busch ayaa cadeysay sida xisbigeedu u taagan yahay khudbad ka jeedsiay golaha xisbiga ee magaalada Stockholm subaxnimada jimcaha maanta.

– Dad badan ayaa hada na waydiinaya hadii aan qiyaasi karno kalsooni darada dowlada, shaki kuma jiro in kooxdeena baarlamanka ay ugu jawaabayaan haa, Sweden waxay mudan tahay dowlad cusub ayay tiri Ebba Busch

Xalay, gudiga xisbiga Kristdemokraterna  waxay isku raaceen in la taageero mooshinka kalsooni kala noqoshada Stefan Löfven ka dib markii hogaamiyaha garabka bidix Jonas Sjöstedt uu soo cusbooneysiiyay hanjabaadiisii ​​uu u jeedinayay raiisul wasaaraha saacado ka hor. 

– Xisbigeena Kristdemokraterna way u cadahay  in dowladdan aysan waligeed xafiiska la wareegin Waxaan diyaar u nahay inaan horey u sii wadno mooshin kalsooni kala noqosho ee horaanta asbuuca soo socda hadii ay suurta gal tahay taas, ayay tiri hogaamiyaha xisbiga Christian Democrats Ebba Busch.

Haddii uu jiro dhawaaq kalsooni daro ah oo ka dhan ah Stefan Löfven iyo dowlada waxay kuxirantahay sida xisbiyada kale u dhaqmaan. Jonas Sjöstedt ayaa ka dalbaday Löfven jawaabta dooda ka socota Agenda-ka SVT maalinta axada, hadii uu diyaar u yahay inuu ka waantoobo soo gudbinta soo jeedinta wax ka badalka sharciga shaqo ilaalinta. LAS. Haddii Löfven uusan ka laaban, wuxuu ku hanjabayaa inuu gudbiyo mooshinka.

Haddii xisbiga Bidixda uu sidaas yeelo, wuxuu taageeri ka halidoonaa xisbiga Christian Democrats.

Dhawaan ayey ahayd markii hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson uu bartiisa Facebook ku shaaciyey in xisbigiisu sidoo kale diyaar u yahay inuu u codeeyo afgambiga dowlada. “Markasta oo baarlamaankan uu go’aan ka gaarayo in dowladdan ay sii ahaato iyo in kale, Xisbiga M wuxuu u codeynayaa in meesha laga saaro,” ayuu qoray.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here