Home Wararka Caalamka Raisal Wasaaraha Armenia oo qiray maanta in Nagorno-Karabakh wajahayso guul daro iyo...

Raisal Wasaaraha Armenia oo qiray maanta in Nagorno-Karabakh wajahayso guul daro iyo musiibo bini’aadanimo’

0
Photo/Reuters

Dhibaatada ka taagan Nagorno-Karabakh ayaa u horseeday gobolka qarka u saaran masiibo bani’aadamnimo, Ra’iisul Wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa jimcihii ka sheegay shirkii Golaha Dowladaha Eurasia ee Yerevan.

“Dadkeenu waxay wajahayaan culeys daran. Magaalooyinkeena iyo tuulooyinkeena waxaa ku socda gantaal iyo madaafiic joogto ah.

”Dadka shacabka ah ee Nagorno-Karabakh waxay ku sugan yihiin qori caaradii, waxaa jira dad badan oo ladilay iyo kuwa dhaawacmay. Stepanakert, oo ah caasimada Nagorno-Karabakh, ayay saamaynta ugu badan ay ku yeelatay, dadka Nagorno-Karabakh waxay qarka u saaran yihiin masiibo bini’aadanimo, “ayuu ka digay.

Iska hor imaadyo dib uga soo cusboonaaday Azerbaijan iyo Armenia ayaa qarxay 27-kii Sebtember, iyadoo dagaallo culus ay ka socdeen gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Aaggu wuxuu soo maray rabshado soo noqnoqday xagaagii 2014, Abriil 2016 iyo Luulyo ee la soo dhaafay. Azerbaijan iyo Armenia waxay soo rogeen sharciga dagaalka waxayna bilaabeen dadaalo abaabul. Labada dhinac ee dirirtu dhexmartay ayaa soo sheegay khasaaro, ay ku jiraan dad rayid ah.

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here