Home Wararka Caalamka Ulf Kristershon oo sheegay in Sweden la Dagaalameyso Argagixisada isagoo ku sugan...

Ulf Kristershon oo sheegay in Sweden la Dagaalameyso Argagixisada isagoo ku sugan Ankara

0
Foto: Henrik Montgomery/ TT

Ra’iisul wasaaraha dalka Ulf Kristershon ayaa sheegay in dowladiisa ay la dagaalami doonto dambiyada iyo argagixisada.

“Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee dowladdan ay leedahay waa la dagaalanka dambiyada, dambiyada abaabulan iyo argagixisada,” ayuu yiri mar uu booqasho ku joogay Turkiga.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa horay ugu eedeeyay Sweden inay “ilaalinayso kooxaha Kurdiyiinta sida Unugyada Ilaalinta Dadka iyo Xisbiga Dimuqraadiga ah”.

Dowladda Sweden ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqday in ay iska fogeysay labada urur. Waa mid ka mid ah dalabaadka Turkiga ee ah inuu aqbalo xubinnimada Turkiga ee NATO.

Gelinkii dambe ee maanta, Ra’iisul Wasaare Ulf Kristerschon ayaa magaalada Ankara kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan. 

Afar kiis oo la xiriira u gacan gelinta dadka la raadinayo ee Turkiga ayaan wali go’aan ka gaarin dowladda Sweden.

 Afartaas kiis ayay maxkamada sare ee Iswiidhan xukuntay in ay jiraan caqabado hortaagan in loo gacan geliyo Ankara. 

Dhammaan kuwan ayaa ku jira liiska dadka uu madaxweyne Erdogan doonayo in uu ku wareejiyo mas’uuliyiinta dalkiisa oo lagu eedeeyay in ay galeen dambiyo argagixiso.

 Wasiirkii hore ee cadaalada Morgan Johansson ayaa dhankiisa sheegay in dowladii hore aysan waqti u helin inay go’aan ka gaarto ka hor isbadalka awooda dalka Sweden

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here