Home Wararka Caalamka UK iyo Midowga Yurub oo wali isku marin Heshiiska Brexit iyo Nuuca...

UK iyo Midowga Yurub oo wali isku marin Heshiiska Brexit iyo Nuuca Ganacsi ee khilaafka sababay

0

Wadahadalada UK-EU ayaan lagu heshiin si loo gaaro heshiis ganacsi kadib Brexit “uma badna” inay sii socdaan wixii ka dambeeya Axada, Xoghayaha Arimaha Dibada Dominic Raab ayaa yiri.

Dowlada UK ayaa la dhibaatooneysa dhanka dhaqaalaha hadii aysan Heshiis ganacsi la gaarin Midowga yurub iyagoo doonaya in labada dhinac ay yeeshaan heshiis ganacsi oo xur ah si lamid ah sidii hore lakin midowga yurub ayaa taasi kasoo horjeeda waxana uu doonayaa in uu ula dhaqmo sida Mareykanka iyo wadamada kale mar hadii ay ka baxeen EU.

Hadalka Dominic ayaa yimid kadib kulan dhex maray Boris Johnson iyo madaxweynaha guddiga midowga yurub Ursula von der Leyen kaas oo ujeedadiisu ahayd in la jabiyo ismari waaga ganacsiga Brexit.

Mrs von der Leyen ayaa sheegtay inay la yeelatay “wada hadal wanaagsan laakiin ay adagtahay xaalada”.

Midowga Yurub waxay dejiyeen talaabooyinka ay qaadi doonaan hadii ay dhacdo xaalad aan heshiis lagula gaarin UK.

Qorshayaashu waxay ujeedadoodu tahay in la hubiyo in isku xirnaanta hawada iyo waddooyinka ee UK iyo EU-da ay wali sii socdaan ka dib marka Boqortooyada UK ay joojiso raacitaanka sharciyada ganacsiga ee Midowga Yurub 31-kii Diseembar.

Waxay kaloo oggol yihiin suurtagalnimada kalluumeysi marinka biyaha midba midka kale illaa sannad, ama illaa heshiis laga gaarayo.

Afhayeen u hadlay Downing Street ayaa yiri: “Marnaba ma aqbali doonno qabanqaabada iyo helitaanka biyaha kalluumeysiga ee UK oo aan la jaan qaadi karin maqaamkeenna dowlad madax bannaan oo xeebeed.”

Somaliska UK

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here