Home Wararka Maanta Tirada dadka laga soo tarxiilay Norwey oo korortay Boqolkiiba 103% Sweden oo...

Tirada dadka laga soo tarxiilay Norwey oo korortay Boqolkiiba 103% Sweden oo ugu horeysa liiska

0
Foto: Heiko Junge / NTB

Dad gaaraya 7,821 qof ayaa laga tarxiilay Norwey kow iyo tobanka bilood ee ugu horeeya sanadka.

7,821 ka mid ah, wadar ahaan 5,956 qof ayaa laga ceyriyay dalka iyadoo la raacayo sharciga xakamaynta infekshinka Corona.

Booliska ayaa masaafuriyay 707 qof kaliya bishii Nofeembar ee sanadka 2020. 

707 ka mid ah, 551 qof ayaa la mastaafuriyay kadib go’aanadii cayrinta iyadoo la raacayo sharciga xakamaynta infekshanka, tirooyin cusub oo ka soo baxay waaxda socdaalka ee booliska.

Intaas marka la isku daro, guud ahaan 7,821 qof ayaa laga saaray dalka illaa iyo sanadkaan, waana koror gaaraya boqolkiiba 103% isla waqtigan sanadkii hore wadarta waxay gaareysay 3,849 qof.

Sweden oo liiska ugu sareeya

Ilaa iyo hada dadka ugu badan waxaa loo tarxiilay Sweden (4,889), waxaa ku xigay Poland (338), Romania (312), Great Britain (206), Germany (194), Denmark (161), Lithuania (157), Italy (135 ), Nederland (119), iyo Ruushka (118).

Waxaa loo qaybiyay jinsiyadaha, inta badan muwaadiniinta Sweden (1,572), Romania (931), Poland (588), Germany (314), Syria (305), Lithuania (295), Ukraine (230), Afghanistan (201), Great Britain ( 177), iyo Ciraaq (175).

Somaliska Oslo

Xigasho/Norway today

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here