Home Wararka Caalamka Ugu yaraan 22 qof oo la la’yahay ka dib markii Dooni ay...

Ugu yaraan 22 qof oo la la’yahay ka dib markii Dooni ay ku dagtay badda Mediterranean-ka

0

Ugu yaraan 22 qof oo isugu jira tahriibayaal iyo qaxooti isku dayay in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ayaa la la’yahay ka dib markii doonidii ay la socdeen ay degtay. 

Haweeney ayaa la xaqiijiyay inay geeriyootay.

MSF ayaa bilowday howlgal samatabixin ah markii doonida burburtay laga helay xeebaha Liibiya habeenimadii Isniinta.

Waxay ku guuleysteen inay badbaadiyaan 71 qof, laakiin ugu yaraan 22 qof ayaa weli la la’yahay. Haweeney ayaa mar hore la xaqiijiyay inay geeriyootay.

– Laba qof ayaa carruurtoodii ku waayey gabadh yarna walaalkeed ka yar ayaa badda lagu layahay. Dadkan ayaa lagu soo badbaadiyay bareelo markii ay socon waayeen, mid ka mid ah samatabbixiyeyaasha ayaa ku soo qoray Twitter.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here