Home News in English Dowlada Sweden oo Dhiseysa Xaruumo Dadka lagu Masaafurinayo oo u dhow Garoonka...

Dowlada Sweden oo Dhiseysa Xaruumo Dadka lagu Masaafurinayo oo u dhow Garoonka Diyaaradaha

0
Foto: Claudio Bresciani/TT

Dawladda Sweden ayaa u wakiilatay Wakaalada Socdaalka inay u samayso waxa loogu yeero “xarumo ka saarid” magangalyo-doonayaasha codsiyadooda magangalyo la diiday. Dawladdu waxay soo jeedisay in xarumahan laga dhigo meel u dhow garoomada diyaaradaha.

“Dhismaha xarumaha masaafurinta waxa ay tilmaan cad ka bixinaysaa in hannaanka magangelyogu uu dhameystiran yahay, soo celintaasna ay tahay in diiradda la saaro,” ayuu yiri wasiirka socdaalka iyo isdhexgalka Anders Eggman oo shir jaraa’id qabtay.

Wasiirku waxa uu sheegay in kuwa codsiyadooda la diiday aan lagu xidhi doonin xarumahaasi, balse loo ogolaan doono inay ka baxaan oo ay dib ugu laabtaan.

Dawladdu waxay soo gudbisay hindise soo dedejin kara codsiyo magangelyo oo badan oo la diiday inay dalka ka baxaan. Tan waxaa ka mid ah in si khasab ah looga baaro Corona iyo cudurro kale si loo dhaqan geliyo amarka masaafurinta, iyo sidoo kale awood u siinta booliiska in ay baadhaan warbaahinta dhijitaalka ah si ay u ogaadaan aqoonsiga qofka iyo dalka uu u dhashay.

Dowladda ayaa sidoo kale dooneysa in ay baarto suurtagalnimada in la kordhiyo xogta ay isweydaarsanayaan maamulada iyada oo ujeedadu tahay in la ogaado dadka aan loo ogolayn in ay Sweden sii joogaan.

“Qaar ka mid ah dadka Sweden yimaada waxay isticmaalaan aqoonsiyo labajibaaran ama been abuur ah, taasoo khatar ku ah amniga qaranka,” ayuu yiri Ygeman.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here