Home Wararka Caalamka Turkiga oo xiray hogaamiyaha cusub ee Daacish

Turkiga oo xiray hogaamiyaha cusub ee Daacish

0

Saraakiisha sare ee Turkiga ayaa ku dhawaaqay in hogaamiyaha cusub ee dowladda Islaamiga ah lagu xiray Istanbul, sida laga soo xigtay  Bloomberg .

Saraakiishan oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiga arrintan ayaa sheegay in ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo kuwa sirdoonku ay xireen nin ay aaminsan yihiin in uu hogaamiyo Daacish tan iyo markii hogaamiyihii hore la dilay bishii February ee lasoo dhaafay.

Shabakadda wararka ee “OdaTV” ee Turkiga ayaa sheegtay in maxbuusku yahay Abu al-Hassan al-Quraishi, iyadoo aan la sheegin sida lagu helay xogta, waxayna isku mid tahay magaca hoggaamiyaha ururka oo ay shaaciyeen warbixinno saxaafadeed bilihii la soo dhaafay.

Bloomberg ayaa awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso aqoonsiga ninka ay hayaan masuuliyiinta Turkiga.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu wargeliyay xarigiisa, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu faah faahin ka bixiyo howlgalladaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in horjoogaha argagixisada la xiray kadib markii ay booliisku la socdeen guri uu daganaa, mana jirin wax rasaas ah oo lagu furay intii uu socday weerarka.

ISIS ayaa bishii March ku dhawaaqday hogaamiyahooda cusub, Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurashi, iyadoo fariin cod ah oo duuban lagu baahiyay Internet-ka. 

Ku dhawaaqista ayaa timid todobaadyo kadib dilkii Abu Ibrahim al-Qurashi, oo ahaa ninkii bedelay al-Baghdadi 2019 oo noqday khaliifkii labaad ee kooxda, bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here