Home News in English Sweden oo laga helay kiisaska ugu horeeyay ee Cudurka Bus-buska

Sweden oo laga helay kiisaska ugu horeeyay ee Cudurka Bus-buska

0
Foto Duygu Getiren / TT

Hay’adda caafimaadka dadwaynaha ee Sweden ayaa ku dhawaaqday in kiiskii labaad ee Cudurka Busbuska laga xaqaiijiyay wadanka.

Hay’adda ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qofka la xaqiijiyay in uu cudurkan qabo uu ku nool yahay gobolka Västra Götaland, isagoo xusay in xaaladdiisa ay wanaagsan tahay, isla markaana uusan helin daryeel isbitaal.

Tani waa kiiskii labaad ee cudurka daanyeerka oo ka dhaca Sweden, halkaasoo kiiskii ugu horreeyay la xaqiijiyay Khamiistii hore.

Hay’adda caafimaadka dadwaynaha ee Sweden ayaa xaqiijisay in ay lasocoto horumarka cudurkan.

“Faafida hadda jirta waxay muujineysaa waxa u muuqda waddo cusub oo la isugu gudbiyo, taasoo la micno ah inaan hadda dhiseyno aqoon cusub,” Sarah Bifush, oo ah madaxa waaxda ee maamulka, ayaa ku tiri war-saxaafadeed. Sidaa darteed, talooyinka la xidhiidha macluumaad kasta oo dheeraad ah waa la cusboonaysiin doonaa.”

Waxa ay tilmaantay in hadda aanu jirin wax qorshe ah oo lagaga talaalayo Busbuska, xilli shalay Jarmalku iyo Danmark ay shaaciyeen inay qorshaynayaan inay talaalaan dadka xidhiidhka la yeeshay dadka uu soo ritay busbuska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here