Home Wararka Caalamka Turkiga oo soo saaray Sharci Cusub oo saameenaya Dadka Ajaanibta iyo Somalida...

Turkiga oo soo saaray Sharci Cusub oo saameenaya Dadka Ajaanibta iyo Somalida ee Dalkaasi Dagan

0

Dowladda Turkiga ayaa soo saartay xeer muwaadiniinta dalal badan oo waddankaasi dal-ku-galka dalxiiska ah ku galay u diidaya in sanad ka badan degganaashaha loo cusbooneysiiyo.

Soomaalida ku dhaqan waddankaasi kama mid ah dadka uu go’aankani qabanayo.

Sidoo kale, Sharcigan ayaa saameeyay muwaadiniin u dhashay dalka Jibuuti oo tiradooda lagu qiyaasay 70 qoys oo dalkaas ku noolaa sanadihii ugu danbeeyay.

Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa maalgeshi ku sameeyey dalkaas, iyagoo abuuray mashaariic kala duwan oo isugu jira goobo, ganacsi, waxbarasho, kuwaasoo hadii loo cusboneysiin waayo sharciga ku qasbanaan doona iney ka baxaan dalkaas.

Soomaalida ku nool Turkiga ayaa arrintan si weyn u hadal haya, iyagoo ka fekeraya qaabkii arrintan loo xalin lahaa iyo talaabada xigta ee ay qaadi lahaayeen.

Cabdi Fitax Waa mid kamid ah dhalinyarada Somalida ku nool Wadanka Turkiga Waxa uu Somaliska.com u sheegay in Sharciga uu yahay mid dowlada kasoo baxay isla markana ay dhici karto in Somalida iyo Suuriyaanka meesha laga saaro oo uusan qaban sharigan.

Somaliska Istanbul

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here