Home News in English Turkiga oo sheegay in Sweden iyo Finland aysan Fulin Balamihii lagu balamay

Turkiga oo sheegay in Sweden iyo Finland aysan Fulin Balamihii lagu balamay

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlüt Cavusoglu ayaa sheegay in Ankara aysan arkin Sweden iyo Finland oo qaadaya “tallaabo ku filan” oo Turkiga uu ugu ogolaanayo inay xubin ka noqdaan NATO.

– Labadan dal waa in ay fuliyaan balamihii ay qaadeen iyo qodobadii lagu heshiiyey. Ilaa hadda, maanu arag wax tallaabo ah, ayuu yidhi Cavasoglu oo waraysi siiyay kanaalka TV100, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Turkiga ee Daily Sabah.

Waxay khusaysaa, in Sweden aysan ka saarin dadka uu Turkigu ku andacoonayo inay yihiin argagixiso oo uu doonayo in loo gacan geliyo.

Shirkii NATO ee dhamaadkii bishii June, ayaa Madaxweynaha Turkiga waxa uu ka laabtay diidmadiisa ka dhanka ah sweden iyo Finland ee xubinnimada NATO, ka dib markii ay dalalku kala saxiixdeen heshiis, oo ay ka mid yihiin in dalalku ay ballan-qaadaan in aysan taageeri doonin dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta ee YPG iyo PYD ama dhaqdhaqaaqa Gülen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here