Home Wararka Maanta Turkiga oo qabtay 90 muhaajiriin ah oo lagu soo dhex qariyay konteenarro...

Turkiga oo qabtay 90 muhaajiriin ah oo lagu soo dhex qariyay konteenarro u socday Dalka Taliyaaniga

0
@Reuters

Magaalada Izmir, ee dalka Turkiga, waxay masuuliyiintu ka heleen in ka badan 90 tahriibayaal ah oo ku dhuumaaleysanayay konteenarro u socday Talyaaniga sidoo kale Badweynta Aegean, 24 tahriibayaal ah ayaa waxaa badbaadiyay ilaalada xeebaha Turkiga kadib markii matoorkii ay la socdeen uu ciladoobay iyaga oo kusii jeeday jasiiradda Lesbos ee Giriigga.

Warbaahinta Turkiga ayaa daabacday warar sheegaya in masuuliyiintu ay heleen 92 muhaajiriin sharci darro ah oo ay xireen, Talaadadii. 

Ilo xog ogaal ah, oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xayiraadaha lagu soo rogay la hadalka saxaafadda, ayaa sheegay in 91 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan caruur laga helay iyagoo ku dhuumaaleysanaya seddex konteenar oo ku dhex yaalay bakhaar ku yaal warshad ku taal degmada Turbali ee gobolka galbeed ee Izmir

Dhaqdhaqaaqa gendarmerie ayaa helay macluumaad sida ku cad in konteenaro ku jira bakhaarka loo isticmaali doono tahriibinta muhaajiriinta, runtiina tahriibayaasha waxaa laga helay iyagoo ku qarsoon baakadaha cuntada ee ku jira konteynarada. Caafimaadkooduna wuu fiicnaa.

Warku wuxuu sheegay in konteenarradu ay diyaar u yihiin in loo diro dalka Talyaaniga. Wuxuu intaas ku daray in hababkii lagu aqoonsan lahaa muhaajiriinta ay wali socdaan.

Somaliska Izmir

Xigasho AA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here