Home Wararka Caalamka Turkiga oo ku Dhawaaqay Shan Sharuud si Sweden loogu ogolaado ku biirista...

Turkiga oo ku Dhawaaqay Shan Sharuud si Sweden loogu ogolaado ku biirista NATO

0
Foto: AP/TT

Turkiga ayaa ku dhawaaqay liiska dalabaadka Sweden si uu u ansixiyo xubinimada Ururka NATO ee Waqooyiga Atlantic. Iyadoo wali ay socdaan wada xaajoodyada labada dal.

Dowladda Turkiga ayaa boggeeda internetka ku daabacday liis ay ku qoran yihiin shan shuruudood. Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Anne Linde ayaa Aftonbladet u sheegtay in ay jiraan dadaallo dublamaasiyadeed oo dhowr ah.

Turkiga ayaa doonaya in Sweden ay joojiso taageerada ay siiso ciidamada Kurdida, iyadoo la tixgelinayo in Sweden ay taageerto xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo Midowga Yurub uu u aqoonsan yahay urur argagixiso. Dowladda Turkiga ayaan daabicin liis la mid ah dalabaadka Finland oo si wadajir ah Iswidhan u gudbiyay codsiga xubinnimada NATO.

Waxayna warbixinnada warbaahintu ka hadleen dalabaadka ku aaddan in loo soo gacan geliyo tiro gaar ah oo dad ah oo uu Turkigu ku eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin xisbiga shaqaalaha Kurdistan iyo unugyada ilaalinta dadka Kurdiyiinta.

Iyadoo liiska dalabaadka maanta lagu dhawaaqay aysan ku jirin dalab cad oo ah in dadka loo gacan geliyo.

Ra’iisul Wasaare Magdalena Andersson ayaa Sabtidii lasoo dhaafay taleefoon kula hadashay Erdogan , iyadoo ku tilmaantay wada hadalka mid “wanaagsan”, iyadoo raacisay inay qaadan doonto waqti.

Liiska shanta dalab

  • Turkiga ayaa ugu baaqay Sweden inay joojiyaan taageerada ay siiyaan xisbiga shaqaalaha Kurdistan, oo lagu tilmaamo argagixiso, iyo unugyada ilaalinta dadka Kurdida.
  • Dalbashada Sweden in ay “joojiso maalgelinta argagixisada”. Turkiga ayaa Sweden ku eedeeyay inay PKK/YPG ku taageerto 376 milyan oo dollar, iyagoo u arkay inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka.
  • Joojinya taageerada hubaysan ee Xisbiga Kurdistan. Dalabka ayaa lagu sheegay in “hubka loo isticmaalo dadka rayidka ah ee Turkiga.”
  • In laga qaado cunaqabateynta hubka ee ay Sweden ku soo rogtay Turkiga si dalkaasi uu u sugo xuduudka uu la wadaago Suuriya.
  • Iskaashi caalami ah oo ka dhan ah argagixisada, iyo dalabka Sweden si ay u bixiso dammaanad qaadka amniga Turkig
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here