Home Wararka Caalamka Turkiga oo dib ugu celiyay Markabka Oruc Reiss bada Mediterranean-ka (Xiisad Cusub)

Turkiga oo dib ugu celiyay Markabka Oruc Reiss bada Mediterranean-ka (Xiisad Cusub)

0

Dib u celinta Turkiga ee markabka cilmi baarista ku sameynaya bariga Mediterranean ayaa sababi doonta xiisado cusub oo ka dhaca gobolka.

Midowga Yurub ayaa ka digay Isniintii maanta , ka dib markii Giriiga ay ku eedeeyeen Ankara inaysan haysan kalsoonida wadahadalka ku saabsan xuduudaha badda ee lagu muransan yahay.

Madaxa arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in dib u soo celinta Oruc Reiss si ay u sameyso daraasado dhanka bada “ay wiiqeyso kalsoonida labada dhinac, wasiirradu waxay carrabka ku adkeeyeen in ficilada noocan oo kale ah ay kordhinayaan xiisadaha ayna tahay in dib looga noqdo

“Tani waxay horseedi doontaa xiisado cusub halkii ay gacan ka geysan lahayd dadaallada dejinta ee aan ugu baaqeynay Golihii ugu dambeeyay ee Midowga Yurub,” ayuu yiri, ka dib markii uu kula kulmay Luxembourg wasiirrada arrimaha dibedda ee Midowga Yurub.

In kasta oo aysan jirin soo jeedin ku saabsan cunaqabateyn laga wada hadlay Isniinta, Brussels waxay horey u sheegtay inay ciqaabi doonto Turkiga haddii ay sii waddo howlaheeda gobolka, taasoo ka careysiisay Giriigga iyo Qubrus.

Madaxweynaha Gudiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa uga digtay Turkiga horaantii bishaan inay qaado talaabooyin daandaansi ah waxayna sheegtay in Midowga Yurub “ay isticmaali doonaan dhamaan qalabkooda iyo xulashooyinka ay heli karaan” hadii aynan jooji  ficilada Turkiga ka wado bada lagu muransan yahay.

Ankara ayaa markabkii kala baxday bishii hore si ay ugu ogolaato wadahadalada inay dib ula bilaabaan Athens oo ku saabsan xuduudaha la isku haysto ka hor shirkii EU-da oo cunaqabateyn lagu sari lahaa  Turkiga kaasi oo wadamada qaar gadaal ka riixayeen.

Laakiin Isniintii, Turkiga wuxuu soo saaray la-talin xagga badda ah oo ku saabsan in markabka Oruc Reis dib loogu celin doono gobolka, taas oo horseedaysa canaan kulul oo kaga timaadda Giriiga maalmo uun ka dib markii wasiirrada arrimaha dibedda ee labada waddan ay ku kulmeen Slovakia taas oo muujineysa in xiisadduhu yarayn karaan.

Turkiga wuxuu ku adkeysanayaa inuu ka shaqeynayo gudaha qaaradiisa wuxuuna diiday go’aanada Giriigga. Faransiiska, oo si gaar ah u dhaleeceeyay Ankara, kuwaasi oo sheegay in Turkiga  ka fogaado daandaansiga cusub.

Raiisel wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay in “ficilkan cusub ee hal dhinac ah uu yahay mid sii xoojinaya khilaafka dhanka Turkiga”.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Giriigga ayaa sidoo kale ku eedeysay Turkiga in kalsoonida ka maqan tahay waxayna sheegtay in ay iska caddeysay in aan lagu kalsoonaan karin wadahadallada la filayo ee ku saabsan khilaafka.

Wasaarada ayaa tiri dib u soo celinta qorshaysan ee Oruc Reis waxay ka dhigan tahay ” koror weyn iyo qatar toos ah ku ah nabada iyo amaanka gobolka”.

Is-maandhaafka ayaa imanaya xilli si gaar ah xiisad u jirto iyada oo waqooyiga Qubrus oo Turkiga uu taageero ay aadayaan goobaha codbixinta doorashada madaxweynenimada.

Somaliska Ankara

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here