Home Wararka Caalamka Siyaasiga midigta fog ee reer yurub ayaa kasoo muuqday maxkamada Giriiga ku...

Siyaasiga midigta fog ee reer yurub ayaa kasoo muuqday maxkamada Giriiga ku taalla

0

Xubin ka tirsan baarlamaanka Yurub ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taal Giriiga bilowga dhageysiga xukunada siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga xagjirka ah ee Golden Dawn iyo kuwa raacsan.

Ioannis Lagos, oo ah xubin baarlamaan oo horay u ahaa hogaamiye caan ka ah gudaha Golden Dawn, ayaa ka soo muuqday maxkamada Athens maalintii isniinta.

Mr Lagos iyo 17 kale oo hore uga tirsanaan jiray baarlamaanka Giriiga ayaa todobaadkii hore lagu helay dambi ah inay hogaaminayeen urur dambiilayaal ah, ama ay ka qayb qaateen urur dambiilayaal ah, waxayna wajihi doonaan xukuno u dhexeeya shan ilaa 15 sano oo xabsi ah.

Athens, Mr Lagos, oo wajahaya 15 sano oo xarig ah haddii baarlamaanka Yurub uu xasaanadda ka qaado, wuxuu u gacan qaaday saddexda garsoore ee dhageysanayay dacwadda, isagoo sheegay inay dhinac u xaglinayaan oo cadaadis siyaasadeed la saaray.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here