– Qiimaynta guud ayaa ah in faafitaanka koronadu uu weli yahay mid ballaaran, ayay hay’adda caafimaadka dadwaynaha Norway ku qortay boggeeda .
Toddobaadyadii 50 iyo 51, 259 iyo 340 siday u kala horreeyaan ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey inay dhinteen.Â
Toddobaadyadii 48-50, celcelis ahaan tiradaasi waxay ahayd 180 dhimasho toddobaadkii, sida lagu sheegay warbixinta toddobaadlaha ah ee Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha Norway oo la soo bandhigay Khamiistii.
Warbixinta, waxaa lagu nuux-nuux saday in dib u dhac ku yimid warbixinta awgeed, ay xogtu tahay ilaa laba toddobaad ka hor.
Tirada bukaannada cusub ee daryeelka degdegga ah ee qaba covid-19 ayaa weli ah heer aan isbeddelin, tirada kiisaska korona ee la xaqiijiyay ayaa sidoo kale hoos u dhacday usbuuca 52-aad iyo toddobaadka 1. Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha Norway ayaa qortay in Christmas-ka uu saameeyay muunada iyo warbixinta labadaba.