Home Wararka Caalamka Tirada Dadka Sharci la’anta ku ah Sweden ee la Tarxiilayo oo lasoo...

Tirada Dadka Sharci la’anta ku ah Sweden ee la Tarxiilayo oo lasoo bandhigay

0
Photo: Anders Wiklund/TT

In ka badan 26,000 oo qof oo la amray in laga soo tarxiilo Sweden ayaa weli dalka ku sugan, sida uu sheegay Joornaalka TT.

Kadib falkii argagixiso ee ka dhacay Brussels, dowladdu waxay ku celisay ballan qaadkeedii ahaa in ajaaniibta aan haysan sababo sax ah oo ay ku joogaan Sweden ay dalka isaga baxaan, balse shaqada ayaa si tartiib tartiib ah u socota sida ay sheegtay wakaaladda wararka.

Tan iyo markii ay dowladda cusub la wareegtay xafiiska, hal sharci oo kaliya ayaa la soo saaray kaasoo saameeya dhaqangelinta amarada masaafurinta. Bishii Agoosto, booliisku waxay heleen awood dheeraad ah oo ay ku sameeyaan baaritaannada gudaha ee ajnabiga taasi oo keentay in la tarxiilo qof kamid ah 10 kii qof ee lagu sameeyo baaritaanka.

Dawladdu waxay sidoo kale ballan qaaday “tirokoob heer qaran ah oo ballaaran” si loo helo dulmar wanaagsan oo ku saabsan cidda sii joogi doonta Iswiidhan. Ballanqaadkaas ayaa keenay in Hey’adda canshuuraha ay kordhiso hubinta diiwaan gelinta dadweynaha sanadka soo socda.

26,000 ee qof ee ku sugan Iswiidhan inkastoo amar musaafurinta ah heestaan , ku dhawaad 8,000 ayaa la raadinayaa kuwaasi oo aan xogtooda la heynin.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here