Home Wararka Maanta Tirada Dadka Norwegianka ee ka adeegta Xaduuda dalka Sweden oo korortay.

Tirada Dadka Norwegianka ee ka adeegta Xaduuda dalka Sweden oo korortay.

0

Tira koob cusub oo ku saabsan adeegga xaduudka ayaa muujinaya in Noorweejigu aad uga soo dukaamaystaan halkaas.

Iyadoo ay jirtay in mudaba noorweejigu ay la dhacsanaayeen inay kasoo dukaamaystaan xaduudka ayaa hadda warbixin ay soo saartay SSB waxay muujinaysaa in adeega xaduudu uu cirka marayo.

Saddexdii bilood ee ugu dambeeyey sannadkii tagay ayey warbixintu sheegtay in adeegga xadduudu uu siyaaday 10 boqolkiiba uuna gaaray 433 milyan oo krone.

Lacag gaaraysa 15,7 bilyan krone ayey noorweejigu kaga soo adeegtaan swedishka waxyaabaha ay ka midka yihiin tobaakada, sprit, bacon iyo nacnac ama macmacaan. Kuwaasoo iyagu kordhay 4,1 boqolkiiba.

Sida ay sheegtay warbixinta tirakoobka lagu sameeyey adeega xaduudku waxay noorweejigu 2018 wax kaga soo iibsadeen Sweden 600 milyan krone lacag ka badan intii ay kaga soo gadeen sannadkii ka horeeyey ee 2017.

Somaliska Oslo

Xigasho/nettavisen

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here