Home News in English Barlamaanka Sweden oo isku raacay dib u soo laabashada caruurta ay dhaleen...

Barlamaanka Sweden oo isku raacay dib u soo laabashada caruurta ay dhaleen dadka ku biiran Kooxaha Argagixisada.

0

Xisbiyada ku jira Barlamaanka Dalka sweden ayaa ka siman go’anka ku aadan in wadanka aan la keenin qof ku biiray kooxaha argigixisada iyagoo isku raacay in marka hore la saaro maxkamad caalami ah isla markana xukun lagu rido arintaasi ayaana timid kadib markii kooxaha (IS) uu soo dhamaaday dagaalka ay ka wadaan dalka suuriya halkaasi oo badankooda lagu xiray.

Dowlada iyo xisbiyada Barlamaanka ayaa isku raacay in caruurta ay dhaleen dadkaasi ku biiray kooxaha argigixisada loo ogolaado imaanshaha dalka iyadoo aan lagu xirin wax sharuud ah.

Xisbiyada ayaa sidoo kale isku raacay in aan la caawin qof kamid ah dadkaasi lakin dowlada iyo qaar kamid ah xisbiyada ayaa doonaya in ciqaabta la ciqaabayo laga dhigo mid adag.

wasiirka arimaha gudaha sweden ayaa barlamaanka ka dhex sheegay in kuwa ku biiray IS ay u yaqaanaan kooxda dilaayaasha.

ku dhawaad 300 dagaalyahano oo kasoo jeeda sweden ayaa ku biiray kooxahaasi iyadoo qaarkood ay la kulmeen ciqaab adag kadib markii dalka dib u soo laabteen.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here