Dagaalka ayaa bilowday subaxnimadii Sabtida ee u dhexeeyay kooxda RSF iyo ciidamada, waxaana dagaalku uu maalintii oo dhan ka socday Khartoum iyo dhowr meelood oo kale oo dalka ah, wuxuuna socday habeenkii Axadda.
56 qof ayaa ku dhimatay, 595 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ururka caafimaadka ee dalkaasi. Dhammaan dadka la dilay waa rayid, sida uu sheegay ururku. Labo ayaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee duleedka magaalada Khartoum.
Meelo badan ayaa waxaa ka dhacay rasaas xooggan, waxaana habeenkii sabtida ciidamada cirka Suudaan ay ka codsadeen dhammaan dadka reer Suudaan in ay guryahooda ku ekaadaan.
Weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in uu arkayey qoryaha darandooriga u dhaca iyo baabuurta gaashaaman ee hareeraha waddooyinka magaalada Khartoum, isla markaana uu maqlayey hub culus oo lagu garaacayo xarumaha ciidamada iyo kuwa RSF-ta. Meelo badan ayaa cirka isku shareeray qiiqa cirka isku shareeray, waxaana magaalada dul heehaabaya diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda.