Home Wararka Caalamka Dadka u Tahriibay Mareykanka oo Dhibaato iyo Wal-wal Dhanka Sharciga soo Wajahay,...

Dadka u Tahriibay Mareykanka oo Dhibaato iyo Wal-wal Dhanka Sharciga soo Wajahay, Dowlada oo Qorshe Cusub bilaabeysa

0

Dhawaan Waxaa furmay Wado Dadka Muhaajiriinta ay ku galaan Dalka Mareyanka iyagoo ula jeedkooda tahay inay ay helaan nolol dhaanta mida ay hada ku jiraan.

Dadka Qaxooti ahaan ku galaya dalka Mareykanka waxaa ku jira kuwa kasoo tahriibaya Yurub oo labo nuuc ah kuwa sharci heesta iyo kuwa sharci la’aan ku ahaa, iyo Qaar kasoo tagay Africa.

Dowlada Mareykanka ayaa sida caadiga bilowday inay si adag u baarto Dadka soo galaya dalkeeda ee ka imaanaya Yurub iyo Africa.

Sida xogta muujineyso Dowlada Mareykanka ayaa bilaabay inay Baaritaan adag ku sameeyo dadka dalkaasi iska dhiibaya ee ka imaanaya yurub isagoo wadamada yurub waydiisanaya xogta dadka iska dhiibay ee yurub soo maray taasi oo u sahleysa inuu go’an deg deg ah kaagaaro inkastoo baaritaanka uu qaadan karo 3 sano ku dhawaad.

Baaritaanka Dowlada ayaana keenay in Dadka dalkaasi gaaray ay mudo dheer sugaan Wareysiga ugu horeeya dadka qaarkood ayaana wareysi helin mudo ka badan Sanad.

Hadii aad sharci ku laheyd Yurub Sida Daganaansho iyo Dhalasho waxaa halis ugu jirtaa in dib laguugu soo celiyo yurub 3 Sano kadib sida Dowlada Qorsheeneyso.

Dadka ka imaanaya Africa ayaa ka fursad badan Dadka kasoo tahriibaya Yurub kuwaasi oo ay ku jiraan Dad dowlada Xogtooda sii heyso.

Qaxootiga ka imaanaya Africa ayaana loola dhaqmayaa sida caadiga iyadoo sharcigooda lagu xirayo Nuuca Dacwada ay isku dhiibaan iyo sida Dowlada ugu qanacdo.

Dowlada Mareykanka ayaa Africa ku celisay Qaxootiga dalkaasi gaaray ee Dacwadooda aanan lagu qancin waxaana ku jira Somali.

Dhibaatooyinka kale ee lasoo sheegayo waxaa kamid ah in Mareykanka uu Qalab dhibtay garoomada wadamada marka hore ay gaaraan dadka tahriibaya iyadoo muhiimada tahay in Xogta rasmiga ee qofkaasi la helo hadii uu ka been sheego xogtaasi la siiyo diidmo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here