Home Wararka Caalamka Taageerayaal taageersan Trump oo gudaha u galay Xaruunka Aqalka Congresska Maraykanka

Taageerayaal taageersan Trump oo gudaha u galay Xaruunka Aqalka Congresska Maraykanka

0
Photo/Reuters

Dad fara badan oo taageersan Madaxweyne Trump oo sameynaya ayaa xoog ku galay Aqalka Congress-ka Mareykanka ee magaalada Washington (Capitol Hill), iyadoo xaaladu ay kacsan tahay.

Xubnaha Congresska Mareykanka ayaa kulan ku lahaa halkaas, si ay u xaqiijiyaan guushii uu Joe Biden ka gaaray doorashadii madxatinnimda xilli ay dibadbaxyo dhigayaan taageerayaasha Trump.

Xubno ka tirsan Jamhuuriga ayaa doonaya in marka kulanka la isugu yimaado la taageero dedaallada Madaxweyne Donald Trump ee lagu laalayo natiijada doorashada, taasoo u muuqata inaysan suurto gal ahayn.

Kumanaan taageerayaal ah ayaa jebiyey xeyndaabkii Aqalka Capitol Hill kadib markii ay isku dhaceen booliska oo isku dayey inay ku kala cayriyaan sunta dadka ka ilemysiisa, waxaana dadkaas qaarkood ay gudaha u galeen xarunta.

Waxaa la joojiyey kulankii ka socday Aqalka Copnresska,ka dib markii taageerayaasha Trump ay buuxiyeen gudaha hoolka.

Ciidamo fara badan oo Boolis ah ayaa la geeyey xarunta Congresska si ay amaanka xarunta ugu soo celiyaan gacanta maamulka.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Joe Biden oo goor dhow saxaafada la hadlay ayaa sheegay in falkan ay ku kaceen taageerayaasha Trump uu ka dhigan yahay weerar iyo is hortaag lagu sameynayo Dimoqraadiyada Maraykanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here