Home News in English Sharciyada Cusub ee Norway ka bilowday Sanadka 2021 bilowgiisa ( Dhageyso )

Sharciyada Cusub ee Norway ka bilowday Sanadka 2021 bilowgiisa ( Dhageyso )

0

Sanadkan 2021 waxaa Dalka norway ka bilowday Sharciyo cusub iyadoo kuwa horay u jiray isbadal lagu sameeyay.

Warbaahinta Somaliska ayaa soo koobeysa Sharciyada ka bilaabanaya Norway kuwooda ugu muhiimsan kuwaasi oo gaaraya ku dhawaad sagaal Sharci.

Cod ahaan Halkan ka Dhageyso

 

1 Mobile isticmaalista Xiliga Gaari wadista.

Dowlada ayaa kordhisay lacagta ganaaxa ee qofka lagu qabto isagoo isticmaalayo Mobile-ka xiliga uu wadayo gaariga Qiimaha ganaaxa ayaana laga dhigay 5,000 kr halka uu horay u ahaa 1700 kr.

2 Barashada Luuqada Norwegiga iyo Ceyrta

laga Bilaabo bisha Janaury aan ku jirto bilowgeeda waxay dowlada bilowday in lacagta ceyrta laga jaro qofka shaqo helitaanka ku waayay Sababo la xiriira luuqada uusan aqoonin.

3 Sugitaanka Waqtiga Lacagta Qofka shaqo la’anta.

mudo 4 bilood ayuu sugidoonaa lacagta faaidada shaqo la’anta ee loo yaqaan (Dagpengar) hadii qofka uu shaqadiisa uga tago sababo aan macquul aheyn isagoo codsiga ugu horeeya diraya afar bilood kadib.

4 Shaqo diidaha oo laga jarayo lacagta Dagpengarka

Dowlada ayaa sanadkan hirgalisay sharci dhigaya in qofka laga jaro lacagta faa’idada shaqo la’anta hadii Qofkaasi uu diido shaqo loosoo bandhigay.

5 Dadka Qaxootiga oo laga dhimayo lacagta Hawlgabka

Sanadkan 2021 waxaa bilowday sharci horay loo ansixiyay kaasi oo dhigay in Qofka Qaxootiga asal ahaanta ah laga jaro 1000 kr hadii uusan buuxin sharuudaha hawlgabnimada.

6 Qaxootiga oo Shan sano sugaya lacagta Ceyrta

lacaga bilaabo 2021 Qofka Qaxootiga ee ku cusub noray ayaa sugaya shan sano lacagta Ceyrta uu xaqa u leehaya sida kaalmada Hawlgabka mida naafada iyo waliba lacagta la siiyo hooyada kalinimada ah.

7 Taageerada Dhaqaale Hooyada uurka leh

Lacagta la siiyo hooyada inta aysan dhalin ayaa la kordhiya tusaale lacagtaasi ayaa horay u aheyd 84,720 halka laga dhigay 90,000.

8 Waalidka oo loo kordhiyay lacagta caruurta

Lacagta la siiyo waalidka heesta caruurta ka yar 6 sano jirka ah ayaa lagu kordhiyay 300 kr iyadoo la gaarsiiyay 1654.

9 ugu danbeyn Gawaarida ku shaqeeya korontada ayaa lagu soo rogay cansuur gaareysa 2100 sanadkii

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here