Home Wararka Maanta Sweden ”Waxaa suuragal ah in Waxbarashada Dugsiga dhexe loo badalo fogaanta”

Sweden ”Waxaa suuragal ah in Waxbarashada Dugsiga dhexe loo badalo fogaanta”

0
Foto: Jessica Gow / TT

Dowlada ayaa go aansatay inay u ogolaato iskuulada u diyaarinta (fasalada Todobaad ilaa sagaalaad) inay u guuraan waxbarashada fog hadii loo baahdo si looga fogaado ciriiriga iskuulka iyo gaadiidka dadweynaha. Sida uu soo xigtay TT.

“Kuwani waa isla sharciyadii horay loogu dhaqi jiray dugsiyada sare,” ayay tiri wasiirka waxbarashada Anna Ekstrom oo shir jaraa’id qabatay, iyadoo carabka ku adkeysay in go’aanka uusan noqon doonin mid qasab ah dowladuna ay u dhaafi doonto arinta maamulayaasha iskuulada si ay go’aan uga gaaraan iyadoo loo eegayo xaalada dugsiyadooda. Sida ay sheegtay idaacada Sweden.

– Go’aanka cusubi waa fursad ee ma aha waajib, ayuu yidhi Ekstrom. Iyo go’aankii ugu dambeeyay ee agaasimaha iskuulka, ”isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay tixgelinta baahiyaha ardayda.

Shirka jaraa’id waxaa kaqeyb galay agaasimaha guud ee hey’ada caafimaadka bulshada, Johann Carlson iyo agaasimaha guud ee adeega iskuulada, Peter Fredrickson.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here