Home Wararka Maanta Sweden soo saartay go’ano iyo Sharciyo Cusub oo Xanibaad ah laguna Xirayo...

Sweden soo saartay go’ano iyo Sharciyo Cusub oo Xanibaad ah laguna Xirayo Qofka Jabiya

0

Dawladda ayaa mamnuucday dhammaan kulannada dadwaynaha in ka badan 50 qof, sida uu yidhi ra’iisul wasaare Stefan Löfven (S). Go’aanka ayaa dhaqan galaya Axadda. Ciddii ku xadgudubta xayiraadda waa la ganaaxi karaa ama waa la xiri karaa.

Mikael Damberg (S) Wasiirka Arimaha Gudaha Mikael Damberg (S) ayaa shirkiisa jaraa’id ku yidhi “maahan talo bixin guud, laakiin waa mamnuuc adag.

11-kii Maarso, dowladdu waxay mamnuucday isu imaatinka in kabadan 500 oo qof. Agaasimaha Caafimaadka Dadweynaha Johan Carlson wuxuu aaminsan yahay in go’aankani leeyahay saameyn wanaagsan oo caadi ah. Laakiin iyadoo ay sii socoto faafitaanka cudurka ee bulshada, waa waqtigii loo baahnaa in la sameeyo nidaam cusub, ayuu yidhi.

Xayiraadda maanta la soo rogay ayaa quseysa “isu imaatinnada dadweynaha iyo munaasabadaha dadweynaha”. Hawlaha sida iskuulada, gaadiidka dadweynaha, munaasabadaha khaaska ah iyo booqashooyinka dukaamada ma mamnuucayaan mamnuucida sida ay sheegeen Maamulka Caafimaadka Dadweynaha.

Somaliska Stockholm

Waxaa turjumay Somaliska.co.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here