Home Wararka Maanta Sweden oo Xukun ku riday nin Xaaskiisa ka caawiyay in ay dhimato

Sweden oo Xukun ku riday nin Xaaskiisa ka caawiyay in ay dhimato

0

Nin ku nool Västernorrland ayaa xaaskiisa oo xanuunsan ka caawiyey inay dhinto. Ninka ayaa hada lagu xukumay
hal sano oo xarig ah. Waxay go’anka gaaray maxkamadda.

Sanadkii hore ayay aheyd markii ninkan uu xaaskiisa ka caawiyay inay dhimato. haweeneyda ayaa ahayd mid aad u xanuunsan waxayna sheegtay inay rabto inay dhinto iyadoo ka dalbatay ninkeeda in uu ka caawiyay dhimashada.

Ninkeeda ayaa ku duray cirbad ay ku jirto daawada morphine.
taasi oo keentay in haweeneyda ay dhimato.isagoo intaasi kadib wacay qeybta caafimaadka

Laakiin Sweden gudaheeda waa sharci daro in qof la caawiyo inuu dhinto. Sidaa darteed, ninkan ayaa la xukumay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here