Home Wararka Caalamka Sweden oo Xukun ku riday Aabe Dalkiisa u waday Labo Gabdhood uu...

Sweden oo Xukun ku riday Aabe Dalkiisa u waday Labo Gabdhood uu dhalay

0

Magaalada Malmö ee Dalka Sweden Maxkamad ku taalla ayaa xukun ku riday Aabo Asal ahaan kasoo jeeda dalka Suuriya.

Xukunka ayaa yimid markii uu Aabaha Dalka Sweden ka kaxeeyay labo gabdhood uu dhalay isla markana geeyay Dalka Suuriya xili Caruurta aysan raali ka aheyn oo loo sheegay in Fasax ku tagayaan Dalka Turkiga.

Aabaha Ayaa lagu xukumay Sanad iyo Bar Sida Maxkamad laga hor cadeeyay kadib Cadeymo lasoo bandhigay.

Labada Gabdhood ayaa hada la nool Ayeeyadood oo ku nool Magaalada Dimishiq ee Dalka Suuriya

Sweden ayaa aad uga soo horjeeda in Caruurta lagu qasbo inay si Awood ah lagu geeyo Dalka ay asal ahaan kasoo jeedaan taasi oo mararka qaar lagu muteesto Dambi.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here