Home Wararka Caalamka Sweden oo wax ka badashay Qaadashada Talaalka Qeybtiisa Labaad iyo Saddexaad

Sweden oo wax ka badashay Qaadashada Talaalka Qeybtiisa Labaad iyo Saddexaad

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Maanta, Hay’adda Caafimaadka Dadweynaha Iswiidhan waxay ku talisay in la siiyo qiyaas Saddexaad ee tallaalka covid-19 ah shan bilood ka dib qaadashada qiyaasta labaad, halkii ay ahayd lix bilood, sidii hore loo samayn jiray.

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in ujeeddada muddada gaaban ay tahay in dad badan la tallaalo xilli hore.  

Dhawr gobol ayaa horey u go’aansaday in ay soo gaabiyaan inta u dhaxaysa qiyaasta labaad iyo saddexaad ee tallaalka , waxaana jira gobollo bilaabay inay sidaas sameeyaan, xitaa ka hor xilliga fasaxa Christmas-ka.

Hay’adda caafimaadka dadwaynaha ee Iswiidhan ayaa ku hawlan sidii ay u bedeli lahayd taladeedii hore, maadaama ay doonayso dadka da’doodu tahay 50 ama ka weyn iyo dadka khatarta ku jira, ee da’doodu tahay 18 ilaa 49, in ay mudnaanta siiyaan liiska sugitaanka marka qiyaasta la soo gaabiyo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here