Home Wararka Caalamka Dowlada ” Qoysaska Sweden oo laga Caawinayo Dhanka Dhaqaalaha Korontada Bil Kasta...

Dowlada ” Qoysaska Sweden oo laga Caawinayo Dhanka Dhaqaalaha Korontada Bil Kasta “

0
Foto Johan Jeppsson / TT

Dowladda ayaa maanta ku dhawaaqday in ay doonayso in ay gargaar u fidiso qoysaska uu saameeyay qiimaha korontadu ku kacayso. Isku geynta kharashka gargaarka ayaa lagu qiyaasay 6 bilyan oo koron.

Dawladdu waxay soo jeedisay in Caawin laga siiyo qoysaska qiimaha korontadu kor u kacay bilihii December, January iyo February.

Qiimaha korontada ayaa sare u kac ku yimid dhawaanahan dalka Sweden gaar ahaan koonfurta. Oo ay la ildaran yihiin qiimaha sare ee korontada, gaar ahaan kuwa ku nool guryaha ku tiirsan korontada.

Hindisaha dowladda ayaa dhigayay in qoyskan oo ay ka cabanayeen qarashka korontadu ay aad ugu badan tahay, in la siiyo ugu badnaan 2000 oo karoon bishii. Taas macnaheedu waa in qoysasku ay heli karaan 6 000 karoon guud ahaan saddexda bilood 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here