Home News in English Sweden oo war Cusub kasoo saartay Safarada Dibada iyo Dalalka aanan loo...

Sweden oo war Cusub kasoo saartay Safarada Dibada iyo Dalalka aanan loo safri karin

0
Foto/TT

Dowlada Sweden gaar ahaan Hay’ada arimaha Dibada ayaa soo saartay go’ano cusub oo ku aadan Safarada Dibada iyo Dadka doonaya in ay safraan waxana go’aanada lasoo saaray kamid ah in wixii ka danbeeyo 15 bishan july la bilaabayo talo bixin ku aadan safarada dibada iyadoo 14 cisho kadib lasoo saaray warbixin ku aadan waxa ku soo kordho Safarada Dibada.

Dowlada ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay ku sheegtay in 14-kii maalin mar lasoo saarayo warbixin ku aadan Wadamada loo safri karo iyo kuwa aanan loo safri karin taasi oo dowlada kaga hortageyso dhibaatooyinkii ugu danbeeyay ee dhacay gaar ahaan wadanka Gariiga oo soo celiyay diyaarad ka tagtay Sweden iyagoo horay u fasaxay diyaarad ay leedahay Shirkada TUI Dalalkaasi oo kale ayayna u badantahay in aanan loo safri karin.

” Waxaan aragnay dhibaatooyin ay la kulmeen Muwaadiniinta Sweden sida midii ugu danbeesay ee Gariiga sidaasi darteed waa in aan ka taxadarnaa Wadamada loo safri karo ” Wasiirada arimaha Dibada Ann Linde ayaa shirkeeda jaraa’id ku sheegtay.

Sweden ayaa kamid ah wadamada qaar ee muwaadiniintooda loo ogolaan ama loo furin wadamada qaar ee yurub taasi oo salka ku heysa xaalada Corona iyo sida wadanka uu ula tacaaley.

Go’anka Dowlada ay soo saartay ayaa isbadal ku keenaya sida Safarada dibada ay horay u ahaayeen iyadoo Safarada qaar ay baaqan karaan hadii dhibaato lagala kulmo wadanka uu safarkaasi ku socdo.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here