Home Wararka Caalamka Sweden oo u ogolaatay Rasmus Paludan inuu Quraanka ku gubo Safaarada Turkiga

Sweden oo u ogolaatay Rasmus Paludan inuu Quraanka ku gubo Safaarada Turkiga

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Booliska Dalka Sweden ayaa u ogolaaday Siyaasiga Rasmus Paludan inuu Quraanka ku gubo Safaarada Turkiga Horteeda.

Ogolaashaha Falkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Caro ka dhalatay Boon-balo loo okeysiiyay Erdogan oo laga soo laad-laadiyay Xaruurta Dowlada Stockholm.

Ninkan ku Caanbaxay Quraan gubista ayaa sheegay in uu falkan u sameenayo xuriyada hadalka madama Dowlada Turkiga ka carootay Falkii dhawaan dhacay.

Rasmus Paludan ayaa horay Dalka Sweden ugu gubay Quraan waxana dalka ka dhacay Rabshado iyadoo dad badan loo xiray.

Siyaasigan oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Denmark ayaa mar kasta waxa uu banaan-baxyadiisa ku gubaa Quraanka waxana ka dhasha Falcelin xoogan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here