Home Wararka Caalamka Sweden oo Tarxiileysa Qoys Sagaal Sano ku noolaa Dalka

Sweden oo Tarxiileysa Qoys Sagaal Sano ku noolaa Dalka

0

Hay’ada Laanta Socdaalka Sweden ayaa go’an ku gaartay in dalka laga tarxiilo Hooyo Naela iyo Afar Caruur ah oo ay dhashay kuwaasi oo dalka Sweden ku noolaa Sagaalkii sano ee ugu danbeeyay.

Sida ay go’anka ku soo saartay 11 bisha Agoosta ayaa lagu wadaa in Hooyadan iyo Afarteeda Caruur oo asaal ahaan kasoo jeeda Dalka Masar dib loogu celiyo Wadankooda oo horay ugu noolaayeen.

Naiela ayaa sheegtay in ay dareemeyso Cadaadis xoogan oo ka heesto bulshada ay kasoo jeedo marka la eego dhaqan ahaan.

Sida ay ugu warantay Joornalka Aftonpladet iyadoo jirta 20 sano jir ayaa la siiyay nin aysan rabin kadibna ay diiday waxana intaasi kadib dareentay faquuq xoogan oo lagu sameeyay iyada iyo nin ay guursatay iyo cunug ay dhashay markaasi.

Sanadkii 2014 ayay iska dhiibtay Sweden waxana labo sano kadib la siiyay diidmo iyadoo lagu amray in dalka ka baxdo lakin intaasi kadib waxay sweden ku dhashay saddex caruur iyadoo hada heysata afar caruur ah. go’anka Naiela ayaa ah mid aanan racfaan laga qaadan karin,

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here