Home Wararka Caalamka Sweden oo soo bandhigtay Tirada Dadka u dhintay Talaalka Corona

Sweden oo soo bandhigtay Tirada Dadka u dhintay Talaalka Corona

0
Photo/Metro

Ilaa dhammaadka Janaayo, Caymiska Dawada Sweden ayaa bixisay magdhow dadka dhibaatada kasoo gaartay tallaalka 59 xaaladood – marka la isku daro 928 xaaladood oo la qiimeeyay.

Afar ka mid ah 59 kiis, ayaa dhimashadooda la xiriirtaa Talaalka sida uu qoray Läkemedelsvärlden.

Shuruuda lagu heli karo magdhowga waa in aad dhibaato ku qabtey in ka badan 30 maalmood tallaalka ka dib, iyo in dhibatooyinka ay suurtogal tahay in la qiyaaso in ay sabab u tahay tallaalka gaar ahaan.

Dowlada ayaa horay u sheegtay inay magdhow siineyso qof walbo oo dhibaato ku noqda Talaalka Corona.

Talaalka ayaana Saameyn dhibaato ku yeelan badi dadkii lagu talaalay iyadoo Dunida dadka ku nool badankooda ay qaateen Talaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here