Home News in English Sweden oo soo bandhigtay tirada Dadka laga Ceshtay Shatiga gaari wadista

Sweden oo soo bandhigtay tirada Dadka laga Ceshtay Shatiga gaari wadista

0

In kabadan 41,000 oo qof ayaa lumiyay rukhsadda darawalnimada sanadkii la soo dhaafay, sida ku xusan tirokoob ay soo saartay Hay’adda Gaadiidka Iswiidhan .

Tiradan ayaa ah tii ugu badneyd muddo sanad ah illaa iyo hadda.

Hay’addu waxay u aaneyneysaa kororkaan dambiyada xawaareynta, maadaama boqolkiiba 30% kuwa shatiyada lagala noqday ay galeen dambiyo xawaareyn ah.

Marka lagu daro nidaamyada horumarsan ee booliisku u adeegsado soo ogaanshaha sharci jabinta ayaa keentay in tirada halkaasi gaarto.

“Booliska waxay ku bedeleen nidaamkii hore ee qadiimiga ahaa farsamo casri ah, taasoo ka dhigtay inay si hufan ula tacaalaan xadgudubyadan,” ayuu yiri Mikael Anderson, agaasimaha saxaafadda ee ee Wakaaladda Gaadiidka ee Sweden

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here