Home Wararka Maanta Shaqaalaha ka shaqeeya guryaha Daryeelka caafimaad oo diidaay in lagu tallaalo tallaalka...

Shaqaalaha ka shaqeeya guryaha Daryeelka caafimaad oo diidaay in lagu tallaalo tallaalka Corona

0
Foto: Johan Nilsson / TT

Qof kasta oo afaraad oo shaqaale ah oo ka shaqeeya guryaha kalkaalinta ee Kungsbacka ayaa diiday inuu helo tallaalka ka hortagga covid-19, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Norah Haaland .

1,200 oo ka mid ah dadka ka shaqeeya guryahan, 26% ayaa sheegay in aysan dooneyn in la tallaalo.

Tallaalka shaqaalaha ee guryaha daryeelka ayaa loo qorsheeyay inuu bilaabmo toddobaadkan.

Lillemor Berglund, Sarkaalka Caafimaadka iyo Daryeelka ee Kungsbacka ayaa yidhi: “Ma garanayo sababta ay taasi sidan ugu egtahay.” Laakiin qof walba ayay u taalaa inuu dhaho haa ama maya talaalka.

 Waxay intaas ku dartay, “Tallaalku waa hab lagu helo badbaadin shaqaalahayaga ah. Isla mar ahaantaana, waxaannu leenahay sharci qeexaya in qof walba looga fadhiyo inuu go’aansado inuu doonayo iyo haddii kale. ”

Sidoo kale, magaalada Burlöv ee gobolka Skåne, boqolkiiba 42 shaqaalaha guryaha dawlada hoose ayaa diiday talaalka, Dagens Nyheter ayaa soo warisay usbuucii hor

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here