Home Wararka Maanta Sweden oo soo bandhigtay Hindise Cusub oo Xabsi daa’in loogu xukumi karo...

Sweden oo soo bandhigtay Hindise Cusub oo Xabsi daa’in loogu xukumi karo Dhalinyarada Dambiyada geesta

0
Morgon Johansson in the government. Photo: TT

Dowlada Sweden ayaa maanta soo bandhigtay hindise cusub oo ku aadan dhalinyarada geesta dambiyada culus.

Hindisaha Cusub oo dowlada qorsheeneyso in uu dhaqan galo qaab sharci ahaan ah ayaa dhigaya in dhalinyarada 18 ilaa 20 sano jirka ah lagu xukumi karo Xabsi daa’in ah hadii ay  geestaan dambi culus.

Sharcigan ayaa sidoo kale dhigaya in dambiga ugu yar uu noqon karo hal sano marka dhalinyarada ay geestaan dambi culus.

Nuuca dambiyada culus ayaana noqon kara Dilka, Hubka , Dhaca iyo rabashada kala duwan ee wadanka ka dhaca kuwaasi oo dhamaan lagu muteesan karo xabsi adag.

Dalka Sweden ayaa dhawaanahan waxaa ku soo badanaya dambiyada culus waxana dad badan ay la kulmeen halis naftooda ah oo ka dhalatay rabashadaha ka dhaca dalka.

Dowlada ayaana aaminsan in sharcigan cusub uu saameyn xoogan uu ku yeelan karo dhibaatooyinka ka dhaca wadanka sida uu sheegay Johansson

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here