Home Wararka Caalamka Sweden oo Sheegtay in Gubista Quraanka ay halis ku tahay Amaanka iyo...

Sweden oo Sheegtay in Gubista Quraanka ay halis ku tahay Amaanka iyo Danaha Dalka

0
Photo: Håkon Mosvold Larsen / NTB TT

mudo kooban Dowlada Sweden waxay joojisay labo codsi oo ku aadan in Quraanka lagu gubo Albaabka Safaarada Ciraaq loona ogolaado kuwa geysanaya falkaasi.

Booliska oo kaashanaya Qeybta Amaanka ee Säpo ayaa cadeeyay inay jirto halis ku aadan Dalka hadii la ogolaado in Quraanka lagu gubo Dalka Mar kale marka la eego xaalada Amaan uu wadana ku jiro.

Afayeen u hadlay Booliska laguna magacaabo Ola Osterling ayaa sheegay in aanan la ogolaadoonin isku soo bax lagu gubayo quraanka Kariinka.

Halis amaan ayaa ka jirto Dalka Sweden tan iyo markii Quraanka lagu gubay safaarada Turkiga uu ku leeyahay Stockholm.

Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan Caalamka iyadoo aad looga soo horjeedo in Quraanka la gubo Waxana Wadamada Qaar lagu gubay Calanka Dalka Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here