mudo kooban Dowlada Sweden waxay joojisay labo codsi oo ku aadan in Quraanka lagu gubo Albaabka Safaarada Ciraaq loona ogolaado kuwa geysanaya falkaasi.
Booliska oo kaashanaya Qeybta Amaanka ee Säpo ayaa cadeeyay inay jirto halis ku aadan Dalka hadii la ogolaado in Quraanka lagu gubo Dalka Mar kale marka la eego xaalada Amaan uu wadana ku jiro.
Afayeen u hadlay Booliska laguna magacaabo Ola Osterling ayaa sheegay in aanan la ogolaadoonin isku soo bax lagu gubayo quraanka Kariinka.
Halis amaan ayaa ka jirto Dalka Sweden tan iyo markii Quraanka lagu gubay safaarada Turkiga uu ku leeyahay Stockholm.
Banaanbaxyo waaweyn ayaa ka dhacay guud ahaan Caalamka iyadoo aad looga soo horjeedo in Quraanka la gubo Waxana Wadamada Qaar lagu gubay Calanka Dalka Sweden.