Home Wararka Caalamka Sweden oo saro u qaaday Heerka Khatarta Argagixiso ee Dalka ka jirta

Sweden oo saro u qaaday Heerka Khatarta Argagixiso ee Dalka ka jirta

0

Hay’adda nabadsugidda dalka Iswiidhen (SAPO) ayaa go’aan ku gaartay in heerka khatarta argagixisada sare loo qaado heerka saddexaad, lana gaarsiiyo heerka afaraad, iyadoo loo eegayo cabbir shan dhibcood ah, sida uu ku dhawaaqay madaxa hay’addaas, Charlotte von Essen.

Ciidamada difaaca Iswiidhan ayaa dhankooda kor u qaaday halista argagixisada oo ay ka dhigeen saddex ilaa afar, ayuu yiri madaxa sirdoonka milatariga ee MUST, Tomas Nilsson.

Heerka afraad ayaa sheegaya in ay jirto khatar argagixiso oo la taaban karo oo ku wajahan Sweden, ayna aad ugu badan tahay suurtagalnimada weeraro argagixisanimo oo lagu bartilmaameedsado dalka, taasoo ah khatartii ugu badnayd tan iyo 2016-kii.

Sabo waxa uu heerka halista argagixisada gaadhsiiyay darajada afraad dhawr bilood dabayaaqadii 2015,kadib weeraradii argagixisanimo ee ka dhacay Paris,iyo baaqii ISIS ee weeraradii argagixisanimo ee Yurub, iyada oo ay barbar socoto Sweden oo qaabili jirtay tiro badan oo qaxooti ah .

“Waxaan ku jirnaa xaalad sii xumaaneysa oo ku saabsan khatarta weerarrada ka dhanka ah Sweden, khatartaani waxay sii socon doontaa muddo dheer,” ayuu yiri von Essen.

Waxayna ugu baaqday muwaadiniinta inay “ku sii noolaadaan nolosha sida caadiga ah, iyadoo fiiro gaar ah u leh macluumaadka ay bixiyaan mas’uuliyiinta.”

Britain ayaa dhawaan uga digtay muwaadiniinteeda weerarro argagixiso oo “suurgal ah” oo ka dhaca Sweden, kuwaas oo xaalad walaac ku abuuray dalkaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here