Home Wararka Caalamka Qaxootiga Sharci La’anta ah ee Degmooyinka ku sugan Waa in lasoo gudbiyaa...

Qaxootiga Sharci La’anta ah ee Degmooyinka ku sugan Waa in lasoo gudbiyaa ” Dowlada”

0
Foto: BERTIL ERICSON / TT

Xisbiyada soo dhisay dowladda hadda jirta ayaa ku dhaqaaqay hindisahooda, kaasoo ku qasbaya maamulada iyo degmooyinka inay soo sheegaan qaxootiga, soogalootiga sharci darrada ah iyo dadka aan sharciga heysan,

sida ay sheegtay idaacada Ekot ayaa ah talo soo jeedin ah inay soo rogaan cawaaqib xumo haddii aan loo hoggaansamin Hindisaha Cusub ee Dowlada soo kordhisay.

Sida hindisaha lagu sheegay, maamulka iyo degmooyinka waxaa waajib ku ah inay la xiriiraan hey’adda laanta socdaalka iyo booliska haddii ay ogaadaan dad sharci darro ku jooga Iswiidhan.

Iswiidhan maanta dadka sharci darrada ku jooga waxay xaq u leeyihiin waxbarasho iyo daryeel caafimaad.

Sida laga soo xigtay Raadiyaha Dowlada, awaamiirta ayaa diyaar u ah in la fuliyo.

Soo jeedinta ah in la soo wargeliyo soogalootiga sharci darrada ah ayaa waxaa dhaleeceyn ballaaran kala kulmay dhinacyo badan, sida ururka shaqaalaha DIK, ururka xirfadleyda iyo kuwa kale.

Xigasho: www.svt.s

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here