Home Wararka Caalamka Sweden oo Qaabishay Safiirka Cusub ee Dowlada Falastiin

Sweden oo Qaabishay Safiirka Cusub ee Dowlada Falastiin

0
Foto: Pontus Lundahl / TT

Sweden ayaa ku celisay taageerada ay siiso Falastiin iyo horumarinta xiriirka labada dal, tani waxay ku soo beegantay xilli wasiiradda arrimaha dibadda Ann Lindy ay ku qaabilaysay dhismaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden safiirka cusub ee Falastiin u fadhiya Stockholm, Rola Al-Muhaisen.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Linde ku xaqiijisay ka dib markii ay heshay safiirka in taageerada Sweden ee xalka labada dal ay sii ahaan doonto, waxayna intaa ku dartay in dalkeedu uu sii wadi doono wada shaqaynta uu la leeyahay Falastiin si loo horumariyo xidhiidhkooda laba geesoodka ah oo ay ku tilmaantay mid xooggan.

Dhankeeda, safaaradda Falastiin ee Stockholm ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka ku sheegtay in “Safiirka cusub uu Lindy kala hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, wuxuuna wasiirka uga warbixiyey xadgudubyada ay ku kacayso awoodda la wareegaysa, gaar ahaan Bariga Quddus iyo Xaramka Al-Shariif,” sida ay sheegtay safaaradda Falastiin

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here