Home News in English Rasmus Paludan oo Codsaday inuu ku biiro Doorashada Barlamaanka Sweden

Rasmus Paludan oo Codsaday inuu ku biiro Doorashada Barlamaanka Sweden

0
Photo: Håkon Mosvold Larsen / NTB TT

Hay’adda doorashooyinka Sweden ayaa xaqiijisay inay codsi ka heleen xisbiga midigta fog ee Stram kurs iyo hoggaamiyaha xisbiga Rasmus Paludan oo ku saabsan rabitaankooda ku aaddan inay ka qaybgalaan doorashada baarlamaanka ee soo socota, dayrta.

Baluddan, oo u tartamay baarlamaanka Denmark 2019, waxa uu helay codad gaaraya 1,8 boqolkiiba codadka, sidaas darteed waxa uu ka haray ku biirista Barlamaanka marka la eego shuruudaha gelitaanka baarlamaanka Denmark.

Intii lagu guda jiray shirar uu ku qabtay magaalooyin badan oo Iswiidhan ah, Paludan wuxuu si isdaba joog ah ugu nuuxnuuxsaday fasaxii ugu dambeeyay ee Easter-ka, xilligaasoo uu mararka qaar gubayay qur’aanka kariimka ah, in uu ku maqnaa safarro doorasho oo Sweden ah.

Inta lagu jiro fasaxa waxa uu booqday ama qorsheeyey in uu booqdo Linköping, Norrköping, Örebro, Landskrona, Malmö iyo xaafada Rinkeby ee magaalada Stockholm, waxaana xigay rabshado lagu xiray ugu yaraan 40 qof oo u badan dhalinyaro sida ay booliisku sheegeen. , ilaa 26 ayaa ku dhaawacmay.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here