Home Wararka Caalamka Sweden oo ogolaansho Cusub laguna gubayo Quraanka siisay Silwan Najm

Sweden oo ogolaansho Cusub laguna gubayo Quraanka siisay Silwan Najm

0

Dowlada Sweden ayaa ogolaansho Cusub siisay Silwan Najm Ogolaashaha oo ah mid ay Banaanbax kaga dhiganeyso Bartamaha Caasimada Stockhom.

Silwan Najm ayaa ah Haweeney u Dhaxda Silwan Momica oo horay dhoor jeer Quraanka ugu gubay Caasimada Stockholm taasi oo ka dhalatay Dibad-baxyo Xoogan.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta gudaha Dalka Sweden Silwan Najm oo heshay ogolaanshaha Cusub ayaana la cadeenin waqtiga ay qabaneyso isku soo baxa.

Silwan Momica ayaa asal ahaan kasoo jeeda Dalka Ciraaq waxana uu Deganaansho ka heesta Dalka Sweden isagoo Bilihii u danbeeyay sameeyay falal kala duwan kaasi oo dunida islaamka ka abuuray falcelin iyo caro xoogan.

Dowlada Sweden ayaa dhoor jeer ka hadashey falalka lagu gubayo Quraanka inkastoo ilaa hada aysan qaadin tilaabo lagu joojinayo falalkan.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here