Home News in English Sweden oo meel adag ka joogtay Shirka ka socda Brussels ee qorshaha...

Sweden oo meel adag ka joogtay Shirka ka socda Brussels ee qorshaha qaabilaada Qaxootiga Midowga Yurub.

0

Sweden ayaa meel adag ka joogta qorshaha dalalka yurub ay ku doonayaan in lagu qaabilo qaxootiga ka imaanaya wadamada dhibaatada ka jirto ee soo gaaraya Qaarada Yurub kuwaasi oo wadamada qaarkood ay diideen in ay qaabilaan halka kuwa kale ay adkeeyeen sharuudaha lagu qaabilayo dadkaasi.

wasiirka Cadaalada iyo socdaalka sweden Morgan Johansson oo ku sugan caasimada Dalka Beljimka ee Brussels ayaa sheegay in loo baahanyahay qorsho rasmi ah oo lagu qaabilayo qaxootiga soo gaaraya yurub iyadoo loo qeebsanayo si siman dadka qaxootiga ee soo gaara yurub isla markana u baahan qaabilaada.

” waxaan dooneynaa xal dhab ah iyo qorshe isku dhaf ah oo lagu wajaho xaalada qaxootiga imaanaya qaarada yurub sweden waxay taagantahay booskeeda hore”

Caasimada Brussels ayaa lagu wadaa maanta in uu ka furmo shir looga hadlayo xaalada qaxootiga yurub kaasi oo la filayo in laga soo saaro xaalad ku meel gaar ah oo lagu wajaho qaxootiga lakin sweden ayaa dooneysa in la sameeyo sharci rasmi ah oo si toos ah loogu dhaqmo mustaqbalka.

Somaliska Brussels

Xigasho/aftonpladet

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here