Home Wararka Maanta Meydka Wiil Somali ah oo laga helay magaaladda Olmsted ee dalka Mareykanka.

Meydka Wiil Somali ah oo laga helay magaaladda Olmsted ee dalka Mareykanka.

0

Boliska magaalladda Olmsted ee ka tirsabn Gobalka Minnesota ee dalkaasi ayaa sheegay inay heleen maydka Nin Soomaali ah oo ay dhaawacyo rasaaseed ka muuqdeen.

Boliska ma aysan sheegin magaca Marxuumka, balse waxay tilmaameen inuu da’da Labaataanka ku jiray.

Maamulayaasha Deegaanka waxay sheegeen inay ka war sugayaan  inay xaqiijin ka helaan Waaxda Dembi-baarista Gobalka Minnesotaiyo Xafiiska Minnesota ugu qaabilsan Baaritaanka Daawada si ay u caddeeyaan qaabka loo dilay Marxuumkaasi.

Boliska waxay sheegeen in maydka Marxuumka laga helay  gaari dhexdiisa, mana jirin  dad kale ama gaadiid kale oo ku sugnaa Deegaanka laga helay Marxuumka.

Kevin Torgerson oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Olmested ayaa wax laga weydiiyey inuu dilkaasi ahaa fal is-dilid ah waxa uu ka gaabsaday arrintaasi , isago oshaki buuxa ka muujiyey geerida Marxuumkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, haddii geerida Marxuumkaasi la sheegay inu uahaa Fal Is-dil ah, waxa uu noqon doonaa  dilkii ugu horreeyey ee ka dhacay sannadkan.

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here