Home Wararka Maanta Sweden oo laga Xadiday Iibsiga Dawoyinka iyo Kaniiniga Qandho jabinta

Sweden oo laga Xadiday Iibsiga Dawoyinka iyo Kaniiniga Qandho jabinta

0

Laga bilaabo 19-ka bishan maarso oo ku beegan khamiista maanta waxaa la xaddidey tirada kiniiniyada qandhada, paracetamol ee laga iibsan karo farmashiga, iyadoona lagu xaddidey ugu badnaan saddex baakadood, sida uu qoray war geeyska Dagens Nyheter.

Ururka farmashileeyda ayaa dabadeed wada tashi uu la yeeshay wakaaladda dawooyinka Sweden go’aan ku gaarey in la xadido iibka dawooyinka qandhada sida Alvedon iyo Panodil, maadaama farmashiyeda laga dareemey kor u kaca iibsiga dawooyinkaasi.

РWaa mid loo baahan yahay in carrbka lagu adkeeyo in aaney jirin baahi ka taagan dawooyinka dalka oo uu sabab u yahay faafidda caabuqa corona, balse ay middaasi dhici karto haddii lagu daato in dawooyinka xoog loo iibsado iyada oo mustaqbalka fog laga fekereyo, sida uu war geeyska DN u sheegay agaasimaha ururka farmashileeyda Johan Wall̩r.

Somaliska Stockholm

Xigasho/DN

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here