Home Wararka Maanta Halka ay mareyso tirada Dhimashada Coronavirus ee Sweden oo lasoo bandhigay

Halka ay mareyso tirada Dhimashada Coronavirus ee Sweden oo lasoo bandhigay

0

Tirada inta qof ee uu caabuqa corona ku asiiban karo Sweden ayaa ku xiran, haddba sida loogu guuleeysto daryeelka ama badbaadinta waayeelka.

Intii lagu guda jiray arbacadii shalay ayaa la xaqiijiyey iney laba qof oo hor leh u geeriyoodeen caabuqa corona, middaasina oo tirada guud ahaan dadka u geeriyoodey ka dhigeeysa 10 qof.

Tirada inta qaadda caabuqa ayaa jaangooneeysa inta u geeriyoota.

Waxaa maanta la aaminsan yahay inb tirada u geeriyoota caabuqa corona ay ka hooseeyso 1%.

Midda kale, waxay ku xiran tahay tirada inta qof ee bulshada ka mid ah ee adkeeysiga u yeelata fayruska corona, middaasina oo yareenaysa suurtagallada uu caabuqu ku faafi karo oo dabadeed uu hoos u dhaco.

Tobankiiba lix

Waxaa la rumeeysan yahay in loo baahan yahay 57boqolkii iney bulshadu u yeelato adkeeysi caabuqa corona, inta aanu caabuqa corona joojin dardarta uu ku faafo. Waa haddii qiyaastu dhab tahay. Wixii intaa ka dambeeya ayuu u faafi kari doonaa si xaddidan.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here