Home Wararka Caalamka Sweden oo ku dhawaaqay Go’an Cusub oo ku aadan Dagaalka Ukraine

Sweden oo ku dhawaaqay Go’an Cusub oo ku aadan Dagaalka Ukraine

0
Foto: Henrik Montgomery/TT

Dowladda Sweden ayaa go’aan ku gaartay in ay kaalmo siiso ciidamada Ukraine, sida ay sheegtay Raisal Wasaaraha Sweden oo fiidnimadii caawa qabatay shir jaraa’id.

Andershon ayaa tidhi “Arrintani way ka weyn tahay Ukraine , Ruushku wuxuu khatar ku yahay dhammaan nidaamka amniga Yurub sidaas darteed waxaad sidoo kale u baahan tahay inaad sameyso go’aanno aan caadi ahayn.

Iswiidhan waxay taageero ballaaran siin doontaa ciidamada qalabka sida ee Ukraine iyada oo xiriir dhow la leh wadamada kale.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegtay in midnimada Midowga Yurub ay tahay calaamad muujinaysa awoodda, isla markaana ay soo socdaan tallaabooyin badan oo Midowga Yurub ah.

Gargaarka bini’aadantinimo ee Ukraine wuxuu kordhin doonaa 500 milyan oo karoon Swedish ah.

Taageerada tooska ah ayaa sidoo kale lagu jihayn doonaa ciidanka, iyada oo 135,000 oo raashin loogu talagalay askarta, 5,000 koofiyadaha, 5,000 oo gaashaan millatari ah iyo 5,000 oo gantaallada lidka taangiyada ah loo diri doono Ukraine.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here