Home Wararka Maanta Sweden oo ka hadashey waxa keenay in uu dib u soo kordho...

Sweden oo ka hadashey waxa keenay in uu dib u soo kordho Xaruunka Corona

0

Tirada dhimashada corona ee Sweden ayaa mareysa 5 kun iyo 230
dhimasho kadib markii la diiwaan galiyay 21 dhimasho oo cusub La taliyaha gobolka ee arrimaha faafa, Andch Tignell, ayaa ku dhawaaqay diiwaangelinta
1566 kiis oo cusub oo fayras ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo tirada kiisaska la
.xaqiijiyay ka dhigtay 63 kun iyo 890 kiis.

Kororka tirada la diiwaan galiyay ayaa waxaa sabab u ah kororka baaritaannada,”“
ayuu Thignell ku sheegay shir-jaraa’id maanta. “Tirada aad hada arkeysaan waa dadka cusub ee baaritaanka lagu ogaaday wayna feecan tahay in dad badan ogaadeen in uu ku dhacay Corona”

Tirada kiisaska cusub ee u baahan daryeelka degdegga ah waa mid aad u hooseeya, mana sii kordhineyso dhimashada  ayuu yiri Thignell. Waxana ku soconnaa wadada
” .saxda ah

Tirada bukaanka Corona ee u baahan daryeel degdeg ah ayaa gaaraya 2,014 bukaan illaa
iyo hadda  kuxigeenka agaasimaha dhibaatooyinka ee waaxda
daryeelka bulshada, Taha Alexandroshon ayaa tiri “Tirada dadka daryeelka degdegga ah ee corona ayaa wali sii yaraanaysa, maantana waxaa jira 191 bukaan, In kasta oo
tirada bukaannada Corona ee hela daryeelka cosbitaalka ay yihiin 908, taas oo ah hoos u
.dhac aad u weyn marka loo eego heerarkii hore.

inkastoo laanta caafimaadka ay sheegtay in xanuunka uu hoos u dhacay hadana dadka qaba Corona ayaa soo kordhaya iyadoo ugu wacan tahay baaritaanka bilaashka ah ee dowlada bilowday.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here